Maamulka Galmudug ayaa dalbaday Ciidamo ka socda Midowga Afrika ee amisom in la geeyo Meelaha ay ka dhacayaan Doorashada heer Goboleed ee Maamulka Galmudug.
Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed xaashi Cabdi Carbey oo maanta dib ugu laabtay Magaalada Cadaado ee Gobolka Galmudug oo Warbaahinta kula hadlay halkaas ayaa sharaxaad ka siiyay natiijada kasoo baxday shirkii Madasha ee lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Muqdisho.
Maxamed xaashi Cabdi Carbey ayaa tilmaamay in ay soo dhaweynayaa Natiijadii kasoo baxday shirka Madasha wadatashiga qaranka islamarkaan ay mudooyinka soo socda ay isku diyaarin doonaan doorashooyinka.
“Dadka Somaliyeed waxaan rabnaa inaan u sheegno oo la wadaagno in la gaaray ama ay dhow-dahay waqtigii doorashada ay dhici laheyd, inay Degmada Cadaado u diyaar-garowbeyso in doorashadii la qabto.”
“Inay dhawaan Cadaado imaan doonaan ciidamo Amisom ah. Ciidamada Amisom oo horudhac u ah sidii ammaanka loo suggi lahaa iyo sidii ammaanka Magaalada gacan loogu dhigi lahaa, ayadoo laga shaqaynaayo sidii doorashada uga dhici laheyd.”
“Toddobada meelood ka dhaceyso doorashada meel ka mid ah weeye Degmada Cadaado. Dhammaan toddobadaa meelood oo dhana waxaa tegaaya ama joogaaya ciidamo Amisom ah, oo amniga ka shaqaynaaya.”
Madaxda Galmudug ayaa xiligaan isku qilaafsan Qodobadkii kasoo baxay shirkii Madasha Madaxweynaha Galmudug oo shalay ku laabtay Magaalada Gaalkacyo ayaa halkaas ka sheegay in ay kasoo horjeedaan qaar kamid ah Qodobada Shirka.

