Dowlada Ethopia oo Deeq Raashiin iyo Dawo ah Gaarsiiyay Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan+Sawirro

0

Dowlada Ethopia ayaa maanta deeq raashiin  iyo dawo ah guddoonsiisay maamulka Gobolka Hiiraan iyo kan degmada kuwaasi oo loogu talagalay in lagu caawiyo dadkii ay saameeyeen Fatahadii Wabiga Shabeelle ee Mara Magaaladaas.

Ku xigeenka Safiirka Itoobiya u jooga Soomaaliya Jamaaludiin Mustafa Cumar, ayaa deeqdan si toos ah ugu wareejiay gacanta duqa magaalada B/weyne Cumar Aadan Deeqoow Cumar (Baadiyoow) wuxuuna sheegay inay ujeeddada deeqdani tahay caawinta dadka tabaalaysan.

Ugu horeyntii waxaa goobta ka hadlay Duqa degmada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan Cumar baadiyoow wuxuuna kaga mahadceliyay Dowlada Ethopia sida ay u garab taagan yihiin shacabka Soomaliyeed.

Ugaas Xasan Ugaas khaliif, oo goobta ku sugnaa ayaa ballan qaaday iney si simman u gaarsiin doonaan dadkii loogu tala galay deeqdan, kadib markii ay saraakiisha Amisom ee ka socda dalka Itoobiya ka codsadeen iney madax dhaqameedyadu kaalin ka qaataan caawinka dadka tabaalaysan ee mucaawinadan loo keenay.

DEEQ-KA-TIMID-DOWLADA-ITOOPIYA-1 DEEQ-KA-TIMID-DOWLADA-ITOOPIYA-2 DEEQ-KA-TIMID-DOWLADA-ITOOPIYA-3 DEEQ-KA-TIMID-DOWLADA-ITOOPIYA-4 DEEQ-KA-TIMID-DOWLADA-ITOOPIYA-5 DEEQ-KA-TIMID-DOWLADA-ITOOPIYA-6 DEEQ-KA-TIMID-DOWLADA-ITOOPIYA-7 DEEQ-KA-TIMID-DOWLADA-ITOOPIYA-9 DEEQ-KA-TIMID-DOWLADA-ITOOPIYA-10 DEEQ-KA-TIMID-DOWLADA-ITOOPIYA-11 DEEQ-KA-TIMID-DOWLADA-ITOOPIYA-12 DEEQ-KA-TIMID-DOWLADA-ITOOPIYA-13 DEEQ-KA-TIMID-DOWLADA-ITOOPIYA-14 DEEQ-KA-TIMID-DOWLADA-ITOOPIYA-16 DEEQ-KA-TIMID-DOWLADA-ITOOPIYA-17 DEEQ-KA-TIMID-DOWLADA-ITOOPIYA-18 DEEQ-KA-TIMID-DOWLADA-ITOOPIYA-19 DEEQ-KA-TIMID-DOWLADA-ITOOPIYA-20

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here