Donald Trump “Madaxweyne Barack Obama ayaa Aasaasay Daacish isaga ayaana Maalgaliya”,

0

Musharaxa madaxweynaha Jamhuuriga Donald Trump  oo qudbad ka jeediyay magaalada Ft. Lauderdale,ee gobolka Florida ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Barack Obama inuu aasaasay   una maalgalin siiyo kooxda Dawladda Islaamiga ah (ISIS).

Donald Trump  oo khudbad u jeedinayay taageerayaasha magaalada Ft. Lauderdale,ee gobolka Florida, ayaa sheegay in kooxda jihaadiga “lagu maamuuso Madaxweyne Obama.” “Waa aasaasihii ISIS, ayuu carabka ku adkeeyay?”Waa aasaasihii! Wuxuu aasaasay ISIS. Ayuu ku celceliyay Trump”

Musharaxa Xisbiga  Jamhuuriga Donald Trump   ayaa sidoo kale ku eedeeyay haweeneyda kula Tartamaysa Doorashada ee Hillary Clinton, in ay tahay qofka Labaad ee aasaasay  kooxda Dawladda Islaamiga ah (ISIS) ee ku dagaalanta dalalka Syria iyo Ciraaq.

Donald Trump  ayaa ah nin inta badan Dhaleeceen u jeediya Madaxda Dalka Mareykanka, waxaa lagu xasuustaa in uu yahay qof aad u neceb diinta islaamka marar badan ayuu ku celceliyay in Mareykana laga mamnuuci doono Muslimiinta haduu ku Guuleysto Doorashada.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here