Dhageyso:-Soomaliland oo Soo Bandhigatay Sarkaal Sare oo Ka Tirsanaa Maamulka Puntalnd iyo 260-askari

0

Maamulka Soomaliland ee Gobalada Sool,Sanaag iyo Togdheere ka Bilaabay Hubka Dhigista Maleeshiyaad  Hubaysan oo   kala Taageersan Maamulada Puntland iyo Khaatumo State ayaa Degamada Buuhoodle ee Togdheer ku Soo Bandhigay Askartii ugu Badnayd ee ee kasoo goosatay Maamulada Puntalnd iyo Maamulka aan la aqoonsaneen ee  Khaatumo oo uu ka mid yahay Taliyihii Ciidanka Nabad Sugida Maamulka Puntland ee Gobalka Togdheer.

Sarkaal ka goostay  Ciidanka Nabad Sugida Maamulka Puntland oo ay Wehliyaan 260 Askari oo Horay uga kala Tirsanaa Maamulada Khaatumo state iyo Puntalnd ayaa Maamulka Soomaaliland uu ku soo bandhigay   Magaalada Buuhoodle ee Gobalka Togdheer.

Munaasabad ka dhacday Goob fagaare ah oo ku talaa Magaalada Buuhoodle oo ay Soo qayb galeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Soomaaliland ayaa Taliyaha Ciidamada Ku Biiray Soomaaliland waxa kuuga dhawaaqay Tirada Guud ee Ciidamadaan  iyo Sababta ay uga soo Goosteen Maamulada Puntland iyo Khaatumo waxaana Xusay in Ciidamada oo ah 260-Askari oo wata Gaadiikoodi Dagaalka ay Si Rasmi ah ugu Biireen Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliland.

Ugu Dambeyntii Taliyaha Ciidamada Militariga Maamulka Soomaaliland ee Gobalada Sool,Sanaag iyo Togdheer Sareeye Guuto Cali Barre ayaa Sheegay in Ciidamadaan ku Biiray Maamulkooda ay ka Howlgali Doonaan Deegaanada Dhaca Xaduuda Maamulka Soomaaliland ay la Wadaagto Maamul Gobaleedka Puntland kuwaasi ay Sugaya Tiro Ciidan Hor leh oo ka soo Geesta Maamulka Puntland.

Hogaamiyaha Maamulka Khaatumo State  ee Degmooyin iyo Deegaano ka tirsan Gobalada Sool iyo Togdheer Cali Khaliif Galayr oo ahaa Xildhibaan ka Tirsan Baarlamaanka Jahuuriyada  Federaal-ka Soomaaliya ayaa Hada u Jan-jeersaday Dhanka Maamulka Soomaaliland waxaan Horay u Jiray Wasiiro ka Tirsanaa Maamulka Galayr oo Si Rasmi ah ugu Biiray Maamulka Soomaaliland.

11-2 22-2 33-2 44-1 55-1 66-1

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here