Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa Soo Dhaweeeyey Go’aankii Madaxweynaha C/kariin Xussen Guuled uu kaga soo Horjeestay Qodobadii ka soo Baxay Shirkii Madasha Wada Tashiga Qaran Dhawaan ku soo ilaaday Magaalada Muqdisho Kaasi oo Madaxda Dowlada Dhexe iyo Hogaamiyaasha Maamul Gobaleedyada ay ku Go’aamiyeen Hanaanka Doorashooyinka Dalka.
Xildhibaan Maxamed Xussen Tahaliil (Calool Geel) oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug oo la hadlay Idaacada Simba ayaa Sheegay In Dhamaan Gole-yaasha Maamulka Galmudug ay Taageersan Yihiin Go’aanka Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guulled ku Qaadacay Qaar ka mid ah Qodabadii ka soo Baxay Shirkii Muqdisho kuwaasi oo uu ku Tilmaamay in Lagu Dulmay Bulshada Soomaaliyeen islamarkaan Maamulka Galmudug haba yaraatee uusan aqbali doono in la duudsiiyo waxa uu xaq u leeyahay.
“waxaa Cadeyn u ah in Shirkii Muqdisho uu ahaa mid Shaqsiyaad loogu danaynayey Puntland hal qabiil ah waxaa Golaha Baarlamaan soo Socada loogu daray Xubno dheeraad ah oo aan la siin Galmudug oo ka kooban in ka badan 12-qabiil iyo Gobalka Banaadir waa lagu qadiyey Arimahaas oo dhan Galmudug ayadoo Tix-galinsa waxay Dowlada iyo Shacab qaadacday Qodabadii Shirkii Muqdisho” Xildhibaan Tahaliil ayaa sidaas Yiri.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa Shalay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka mudug kaga ku Dhawaaqay in Galmudug ay qaadacday Go’aanadii ay soo saareen Hogaamiyaasha Madasha Wada tagisha Qaranka soomaaliya ee u Shiray Muqdisho.

