Ciidamada Kumaandooska Somaliya oo Howlgal ka Sameeyay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug

0

Ciidamada Kumaandooska Xoogga  Somaliya ee Danab, ayaa maanta Howlgal ka sameeyay xafadaha magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, iyagoo kusoo qabtay 5-nin oo mid kamid ah uu yahay ajanabi.

Dhammaan raggaan, ayaa waxaa la sheegay inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab, sida uu Wakaaladda Wararka SONNA uu u xaqiijiyay Abaan Duulaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Cali Baashi Maxamed Xaaji Cumar.

Abaan Duulaha Ciidanka Xoogga Dalka  Abaan Duulaha, ayaa sheegay in ninka ajnabiga ee la qabtay lagu magacaabo Saciid Cabdalla Abuu Bakar Al Sudani, isagoo intaa ku daray inuu u dhashay dalka Suudaan, looguna shakisan yahay Al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here