War uu soo saaray Kaaliyaha Agaasimaha Wasaaradda Waxbarashada dalka Kenya Margaret Mwirigi ayaa lagu sheegay in ku dhawaad 180,000 dhalinyarada dugsiyada ay qabaan cudurka HIV halka 75.600 ka mid ah aysan helin daawada ka hortaga cudurka ee ARV.
Sarkaal ka Tirsan Guddiga illalada qaran ee ka hortaga Aids (NACC) ee dalka Kenya ayaa sheegay in 14 kamid ah dhalinyrada qabta cudurka ay maalin walba u dhintaan dhibaatooyinka cudurka HIV halka 98 la qaadsiiyo cudurka.
Kuwani waa ardaydeena dhamaadka shirkan ku dhawaad 500 ayaa u dhiman karaan cudurka, “ayay tidhi, waxay intaa ku dartay kaliya in inyar oo ka mid ah dhallinyarada laga baaro HIV iyadoo waalidiinta u qabaan in carruurtooda aan ku hawlaneen galmada hore oo aynaan qabin HIV.

