Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Somaliyeed oo Imaaraadka Kula Kulmay Saraakiil Ciidan+sawirro

0

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Somaliyeed Jeneral Maxamed Aadan Axmed (Buud) oo dhawaan gaaray dalka Isutaga Imaaraadka carabta ayaa halkaas kula kulmay saraakiil sar sare oo ciidamada dalkaas ka Tirsan.

Kulanka uu la qaatay Taliyaha Saraakiisha Ciidamada dalka Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa diirada lagu saaray sidii loogu wada shaqeyn lahaa dib u dhiska Ciidamada Xoogga dalka soomaliyeed oo burburay tan iyo dagaaladii sokeeye ee soomaliya ka dhacay.

Taliyaha ciidamada Xooga dalka Somaliyeed Jeneral Maxamed Aadan Axmed (Buud)   ayaa uga mahadceliyay Dowlada  Imaaraadka Carabta taageerada ay la garab taagan yihiin ciidamada Xooga dalka Somaliya.

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa kamid ah Dowladaha inta Badan Soomaliya ka Taageera dib u dhiska dalka iyo dhanka Ciidamada.

1470811761e5c5c 1470811762a8407 1470811762ae0e8 1470811760466ff

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here