
Madaxweynayaasha dalalka Turkiga iyo Ruushka Recep Tayyib Erdogan iyo Vladamir Putin ayaa maanta kulan kuwada qaatay magaalada St Petersburg ee dalka Ruushka kaasi oo loogu hadlay arrimo badan oo amaanka uu ugu horeeyo.
Vladamir Putin, ayaa sheegay in uusoo dhaweenayo la kulanka Madaxweynaha Turkiga iyo in dib usoo laabto xariirkii wanaagsanaa ee ka dhaxeeyay labada Dal, waxa uuna cambaareeyay isku daygii afgembii ee ka dhacay Turkiga.
Madaxweyne Erdogan oo dhankiisa hadlay ayaa u mahad celiyay Madaxweynaha Ruushka oo kamid ahaa Madaxdi icambaareesay Afgembigii fashilmay, waxa uuna dhankiisa soo dhaweeyay in dib usoo laabto xariirkii ka dhaxeeyay Ruushka iyo Turkiga.
Booqashada uu Madaxweynaha dalka turkey-ga Recep Tayyib Erdogan ku Tagay dalka Ruushka ayaa meesha ka saaraysa xiriirkii xumaa ee ka dhaxeeyay dalalka Ruushka iyo turkey-ga kadib markii ciidamada Turky-ga ay soo rideen diyaarad ay laheyd Xukuumadda Russia.














