Wasaaradda Cadaalada Maamulka Puntland ayaa Guddi u Xilsaartay Xaqiijinta Da’da ay jiraan dhalinyaro ka Tirsaneed al-shabaab ee lagu qabtay dagaladii ka dhacay xeebaha deeganada Maamulkaas Bishii March ee Sanadkaan 2016-kii.
Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Maamulka Puntland Saalax Xabiib Jaamac ayaa sheegay in gudigan uu ka kooban yahay Dhaqaatiir,Aqooyahano iyo Xeer ilaalainta Puntland,lana isticmaali-doono qalab Xaqiijinaya Da’da Qofka.
Sidoo kale,Wasiirka ayaa sheegay in Dastuurka Maamulka Puntland uu qorayo hadii uu gaaro qofku 15 sano uu qaan gaaryahay,taaso ay qabto diindeenta Suuban Ee Islaamka halka Dastuurka soomaaliya uu qorayo in qofku ku qaan-gaaro 18 Sano.
Bishii June 18-keeda, 2016, ayay aheyd markii Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Maamulka Puntland ay dil toogasho ku xukuntay 43 dhalinyaro oo ka mid ahaa maxaabiistii lagu qabtay dagaaladii ciidamada Puntland iyo Al-Shabaab ku dhex maray deegaano ka tirsan Gobolada Nugaal iyo Mudug.
Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Puntland C/llaahi Xirsi Cilmi oo xiligaas warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in 97 Maxaabis in laga qabtay al-shabaab ,isagoo xusay in 54 ka mid ah dib loo celiyay, maadaama aysan qaan-gaar aheyn, waxaana uu intaa ku daray in la geeyay goobo lagu dhaqan celiyo.

