Inta la xaqiijiyay 42-qof ayaa ku dhimatay halka 200-qof oo kale ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay waaxda shilalka iyo xaaladaha degdegga ah ee isbitaalka Magaalada Quetta dalka Pakistan.
Qarax ayaa dhacay kadib markii tiro ka mid ah qareennada iyo suxufiyiinta qaarkood ay isugu soo aruureen isbitaalka isbitaalka Quetta dalka Pakistan, oo maanta uu ku dhintay madaxweyniha ururka Bar Association Balochistan oo shalay lagu toogtay dalkaas.
Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay waxaa ku jirey Suxufiyiin ku sugnaa isbitaalka oo soo booqday madaxweyniha ururka Bar Association Balochistan

