Xildhibaan C/samad:-Madasha Wadatashiga Qaranka Waxa ay jabiyeen Qodob kamid Dastuurka Dalka

0

Xildhibaan C/samad Macalin Maxamuud oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamanka Federaalka Soomaliya ayaa ku eedeeyay Madaxda Madasha  Wadatashiga Qaranka in ay jabiyeen  Qodob kamid ah Dastuurka dalka u yaala.

Mudane C/samad Macalin Maxamuud  oo wareysi siiyay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay in qodobka  ay jabiyeen Madasha wadatashiga qaranka in uu yahay waqti kordhinta ay u sameyeen dowlada haatan jirta islamarkaana howlahaas ay ahaayeen kuwa Xildhibaanada Baarlamanka Federaalka Soomaliya u yaalay.

“Marka la fiiriyo Maamul Goboleedyada dalka Jira madaxdooda , Raisulwasaaraha Guddiga uu Magacaabay iyo Gudoomiyaha Baarlamanka soomaliya Go’aanka ayaga kaliyah ma gaari karaan, waa qodob dastuuri ah wuxuu u baahan yahay 184-xildhibaan in ay Go’aan ka gaaraan, tani waxa muujinaysaa in Madaxda Madasha Wadatashiga in ay Jabiyeen qodob kamid ah Dastuurka dalka u yaala”, ayuu yiri Xildhibaan C/samada Macalin Maxamuud.

Sidoo kale Xildhibaan C/samad Macalin Maxamuud oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamanka Federaalka Soomaliya oo ka hadlayay Muddo kororsiga dowlada haatan jirta ayaa sheegay in arintaas hadey dhacdo ay keeni karto in dalka uu noqdo mid qof walba Go’aakiisa uu ku shaqeeyo.

Hadalka Xildhibaan C/samada Macalin Maxamuud oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamanka Federaalka Soomaliya ayaa kusoo beegmaya xili ay soo baxeyn warar ku aadan in Muddo 2-bilood ah loogu daray dowlada haatan jirta.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here