Dhageyso:-Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaliya oo ku Wajahan Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay

0

Wafdi uu Hogaaminaayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa ku wajahan  Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Ujeedka ugu weyn uu Wasiirka arrimaha Gudaha u gaarayo Magaalada Baydhabo ayaa ah  sidii uu usoo xiri lahaa Shirweyne looga hadlaayay Mideynta iyo Wada shaqeynta Wasaarada Arimaha Gudaha Qaranka Soomaaliya iyo kuwa Heer Maamul Gobaleeyada  oo maalmahaan ka socday Magaaladaas.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaliya C/raxmaan Sate oo goordhaweyd la hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay u diyaar garoobeen soo dhaweynta Wafdiga Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaliya.

Shirweyne looga hadlaayay Mideynta iyo Wada shaqeynta Wasaarada Arimaha Gudaha Qaranka Soomaaliya iyo kuwa Heer Maamul Gobaleeyada  oo  ayaa horey waxaa loogu qabtay magaalooyinka Cadaado, Garoowe, iyo Kismaayo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here