Askar ka Tirsan Ciidamada Kenya oo Lagu Weeraray Degmada Lamu ee Dalka Kenya

0

4 ka tirsan Ciidamada Difaaca Kenya ayaa lagu dhaawacay weerar ay Al shabaab ku qaadeen xero ay ku sugnaayeen Ciidamadaan oo ku taala degmada Lamu.

Koox ka kooban 20 xubnood oo loogu Tuhunsanyahay in ay ka tirsan yihiin Al shabaab ayaa la sheegay in weerar ay ku qaadeen xero ciidan oo ku taalan meel u dhow degmada Lamu halka oo dawlada Kenya ay sheegtay in 4 askari looga dilay.

Gudoomiyaha degmada Lamo Joseph Kanyiri  ayaa sheegay in dagaal socday 30 daqiiqo uu dhexmaray Ciidamada Kenya iyo ragii weerarka soo qaaday waxaana uu sheegay in ay iska caabiyeen kuwii werarka soo qaaday.

Illaa iyo hadda majirto wax ka qasaara ah oo soo gaaray xubnihii ka tirsanaa Al shabaab ee weerarka ku qaaday Ciidamada Kenya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here