Ciidamo ka tirsan kuwa dowlada soomaaliya ayaa maanta wadada xariirisa magaalada muqdisho iyo degmada afgooye waxa ay ku risaaseeyeen gaari ay la socdeen xubno katirsan maamulka deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada muqdisho.
Gaariga oo ahaa nuuca raaxada ayaa ku sii jeeday degmada afgooye waxana xili uu marayay meel aanaka fogaan deegaanka lafoole risaas ku furay ciidamo hubeysan oo ka tirsan kuwa dowlada soomaaliya.
Gudoomiyaha Deegaanka garisbaaley Cabdiraxmaan axmed oo la hadlay idaacadda samba ayaa ku eedeyay ciidamada in ay si ulakac ah ay u risaaseeyeen gaari ay saarnaayeen dad la shaqeynayay maamulka deegaanka Garisbaaley.
Gudoomiye Cabdiraxmaan axmed ayaa yiri “ Abaaro sadexdi galabnimo ee maanta ayaa waxaa la xabadeeyay dad la shaqeynaayay maamulkeyga mana aheyn dadka dad hubeysanaa arintana waxaa baaritaankeeda ku wareejinayo laamaha amaanka dowlada soomaaliya”, sida waxaa yiri Gudoomiyaha deegaanka garisbaaley.
Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhawacmay oo kamid ah dadki la risaaseeyay mana jirto dadkale oo ay waxyeelo ka soo gaartay risaasta manta ciidamada dowlada ay ku fureen shaqsiyaadkaan la shaqeynayay maamulka deegaanka gariusbaaley ee duleedka gobolka banaadir.

