Xidiga qadka dhexe ee kooxda Liverpool Lucas Leiva ayaa amaan usoo jeediyay garsoorihii kulankii shalay Liverpool iyo Chelsea Mark Clattenburg sida uu ugu guuleysatay dhaxdhaxaadinta kulankaas.
Lucas ayaa qeybtii Hore ciyaarta kaarka Jaalaha loo taagay kadib qalad uu ku Galay xidiga qadka dhexe ee kooxda Chelsea Ramires qeybtii dambe ayuu qalad kale galay waxaana arintaas jaalo labaad ku bixin waayay Garsoore Mark Clattenburg’
Xidiga qadka dhexe ee kooxda Liverpool Lucas oo saxaafada La Hadlay kadib guushii ay ka gaareen kooxda Chelsea ayuu sheegay In garsooraha reer England Mark Clattenburg’ uu si wanaagsan u dhaxdhaxaadiyay kulankaas

