Inta la xaqiijiyay 13-qof ayaa ku dhimatay kadib dab ka kacay maqaayad ku taala Magaalada Rouen Woqooyiga dalka France.
dabka ayaa la sheegay in uu maqaayada ka kacay subaxnimadii hore ee saakay waxaa ku sugnaa Maqaayada dad aad u fara badan oo isugu jiray shaqaalaha maqaayada iyo dad wax ka cunaayay.
Police-ka Magaalada Rouen Woqooyiga dalka France ayaa warbaahinta u sheegay in dad dhintay ay da’dooda u dhaxayso 18- ilaa 25 islamarkaana baarka ay ku sugnaayeen.
Mas’uuliyiin ka Tirsan Maqaayada ayaa sheegay in dabka uu ka kacay qeybta cuna karinta.




