Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug qeybta Puntland ayaa ku waramaya in Ciidamo ka Tirsan kuwa Malatariga Xoogga dalka Soomaliyeed gaar ahaan kuwa Danab in ay la wareegeen Garoonka Diyaaradaas Magaaladaas.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidanka Dannab ee Xoogga dalka Soomaliyeed oo tiro ahaan lagu qiyaasay ilaa 200 oo Askari ay la wareegeen Guud ahaan Garoonka, iyagoo si toos ah ula wareegay Fariisimihii Ciidanka Puntland ee Garoonka Magaalada Gaalkacyo ku sugnaa Maalmihii dambe.
Dhanka kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in sababaha ay Kumaandooska Soomaliya ay Garoonka Gaalkacyo ula wareegeen ay tahay in ay halkaa Fariisimo ka sameystaan si ay Weeraro ugu qaadaan Al-shababka ku sugan Gobolka Mudug iyo Galgaduud intaba islamarkaana Qorshahaas ay leedahay Dowladda Mareykanka.
Wali wax war ah kama soo bixin dhanka Maamulka Puntland oo loogu hadlaayo la wareegitaanka Ciidamada Xoogga dalka soomaliyeed gaar ahaan danab Garoonka Diyaaradaha Magaaladaas.

