Siyaasi Cali Maxamuud Faarax (Cali Seeko) oo kamid ah xubnihii lasoo shaqeeyey dowladihii KMG ahaa ee dalka soo maray iyo dowladaani waqtigeedu sii idlaanaya lana hadlay Warbaahinta simba ayaa sheegay in madaxda dalka iyo kuwa dowlad goboleedyadu ay doonayaan in ay lunsadaan lacagaha soomaaliya.
“Madaxda dalka iyo kuwa maamulka goboleedyada waxa ay doonayaan in ay lacagaha doorashad ku tar-tamaan, waxaana taasi cadeyn u ah in doorashooyinkii dalka aanan laga caban jirin dhaqaalaha” sidaana waxaa yiri Siyaasi Cali Seeko.
Waa uu sii hadlay waxa uuna sheegay in uu isweydiinayo ujeedka laga leeyahay dhaqaalahaasi la doonayo isagoona intaa sii raaciyey in madaxda dowlad goboleedyadu ay ku faani jireen amaanka deegaanadooda balse hada ay doonayaan in ay qaataan lacago lagu sugo amaanka.
Siyaasi Cali Seeko ayaa mar aynu weydiinay labada aqal ee dalka dhaqaalaha ku baxayo sida ay u bixi karto dowlada la doonayo in la dhiso ayuu sheegay in arintaani ay tahay laba laabis awood qeybsiga beelaha xitaa mustaqbalka ay keeni karto iska hor imaad dhex mara aqalka sare iyo hay’adda sharci dajinta maadaama aanan la qeexin awoodaha ay dastuurka ku leeyihiin.
Dowlada Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa shir kaga socda muqdisho inkastoo qorshaha shirka uu ahaa mid laba cesho soconayo balse hada waxa uu socdaa muddo afar cesho ah waxaanan jirin ilaa iyo iminka qodobo la isku raacay oo warbaahinta loosoo bandhigay.
Caqabadaha ugu weyn ee doorashada dalka ayaa ah lacagaha lagu maareynayo doorashada maadaama beesha caalamka ay arintaani ka noqotay Marqaati aamusan.

