Prof Cali Macoow :-Lacago badan oo La Qasaariyay ayaa Keentay in ay Dib u Dhacdo Doorashada Somaliya +Dhageyso

0

Prof Cali Macoow oo kamid ah aqoonyahanada soomaaliyeed oo wareysi gaar ah siiyay idaacadda simba ayaa sheegay in dhaqaale la’aanta madaxda dalka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka ay sheegeen in ay dib udhac ku keeni karto doorashada dalka ay ka timid lacago marar badan la qasaariyey.

Aqoon yahankaani ayaa si gaar ah u tilmaamay in dhaqaale yarida dowlada heysata ay sabab u yihiin shirarkii faraha badnaa ee lagu kala qabtay magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo, Garoowe, Baydhabo, Cadaado iyo hadda oo muqdisho shir loogu fadhiyo.

“Shirarkii faraha badnaa ee ka dhacay gudaha soomaaliya iyo waliba kuwo dowlad ay kaga qeyb gashay dalka dibadiisa ayaa sababtay in maanta dhaqaale la’aan ay usocon waayaan ol-olaha doorashada dalka” sidaana waxaa Simba u sheegay Prof Cali Macoow.

Waxa uu dhanka kale sheegay in aysan soomaaliya u baahneen lacago loosoo deensado si doorashada loo qabto taana waxa uu ku tilmaamay in looga gudbi karo in lagu buuxiyo lacagaha laga qaadayo murashixiinta xil doonka ah sida uu hadalka u dhigay aqoon yahay Cali Macoow.

Doorashada soomaaliya ka dhaceysa sanadkaani ayaa ah mid aanan caga buuran ku taagneen waqtigii loo qorsheeyey iyadoona warar soo baxayane ay sheegayaan in sababo dhaqaale ay dib ugu dhaceyso waqtigii horay loo sheegay in ay dhaceyso.

Dowlada Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ku dhisan federaalka ee hoos yimaada dowlada ayaa horay u shaaciyey in aysan dalka sanadkaani ka dhici Karin doorasho qof iyo cod ah hase yeeshee ay ka dhici doonto doorasho ku saleysan labo aqal taasoo loogu magac daray doorashada dadban inkastoo iyane waqtigeeda la su’aal galinayo qabsoomideeda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here