Faah-faahin:-Tiro Madaafiic ah oo Xalay Lagu Garaacay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee Gobolka baay ayaa ku waramaya in xalay gudaha Magaaladaas lagu garaacay tiro Madaafiic ah oo geysatay qasaaro dhimasho dhaawacba leh.

Abaaro 3:20 saqdii dhexe mar qura waxaa Laga Maqlay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay daryanka culculus Ee Madaafiicdaas oo tiradood ay gaaraysay ilaa 9 madfac oo shacabka magaalada ay ka soo toosiyeen hurda.

Madaafiicda ayaa waxay qaar ka mid ah ay ku dhaceen Sida La Sheegey Garoonka Diyaaraha Shaati Gaduud,  ee Magaalada Baydhabo iyo Xaafadaha qaar waxaana jira Khasaaro ay geysteen Madaafiicdaas, iskatoo xiliga ay dhaceen ay aheyd  waqti dhexe islamarkaana aan la ogaan Karin qasaaraha rasmiga.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore sidaan Madaafiic ugu garaacay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay oo Caasimad kmg u ah Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here