Wafdi uu Hogaaminaayo Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta gaaray Magaalada addis ababa ee xarunta dalka Ethopia.
Madaxwaynaha waxa uu Magaalada Addis-ababa ee xarunta dalka Ethopia kaga qaybgali doonaa shir-madaxeedka Wadamada ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD, kaasi oo lagu wado inuu ka furmo Magaaladaasi.
Wafdiga Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho aadan cadde kusii sagootiyay Mas’uuliyiin ka Tirsan Labada Golle ee dowlada soomaliya .

