Abubakar Shekau Hogaamiyaha Muddada Dheer ee kooxda Boko Haram ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in xilka laga qaaday lana magacaabay Hogaamiye Cusub kadib markii Hogaanka daacish ay sheegeen in la dilay.
Fariin maqal ah uu soo direy Abubakar Shekau Hogaamiyaha Muddada Dheer ee kooxda Boko Haram ayuu ku sheegay in aysan waxba ka jirin wararka ku aadan in xilka laga qaaday islamarkaana la magacaabay Hogaamiye Cusub.
ISIL ayaa hore u magacawday Abu Musab al-Barnawi hoggaamiyaha cusub ee Boko Haram, taasoo keentay in farriinta kasoo baxdo Abubakar Shekau.
“Dadku waa in ay ogaadaan inaan weli joogno,” Shekau ayaa ku sheegay fariin 10-daqiiqo socotay .
Wareysi uu daabacay wargeyska ISIL ee Al Nabaa ayaa arbacadii , Barnawi, xilhayaha ay magacaabeen ISIL , ku hanjabay in ay bamgareenayaan kaniisadaha ayna dilaan dadka Masiixiyiinta ah halka ay soo afjarayaan weerarada masaajidda iyo suuqyada loo isticmaalo Muslimiinta.

