Gudigga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka Soomaliya  oo dalka dib Ugu Soo Laabtay

0

Gudigga Madaxa Banaan  ee doorashooyinka qaranka oo mudooyinkii dambe ku sugnaa Magaalada Dara-salaam ee wadanka Tanzania ayaa Maanta dib ugu soo laabtay Gudaha Magaalada Muqdisho ee caasimada soomaliya

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Madaxa Banaan ee Qaranka oo guddigaan Hogaaminaysay ayaa Magaalada Dara-salaan ee wadanka Tanzania kaga qeyb Gashay doorashadii dhawaan Lagu qabatay wadankaas iyadoona Guddiga doorashooyinka wadanka Tanzania kala sheekaysatay sidey u wajaheen doorashooyinkii dhawaan ka dhacay wadanka Tanzania sida baarlamaanka, golaha deegaanka, iyo Madaxweynaha.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Madaxa Banaan ayaa warbaahinta ugu sheegtay   Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho in waxbyaabihii ay kasoo Barteen doorashooyinka wadanka Tanzania ay ku dabaqi doonaan doorashooyinka la filaayo in ay soomaliya ka dhacaan sanadka 2016

dhawaan ayay aheyd Markii Wafdi ay Hogaaminaysay Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ay Gaareen Magaalada Daara-salaam ee wadanka Tanzania  oo dhawaan lagu qabtay doorashooyinka guud.

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here