Dowlada Finland oo ka laabatay go’aankii ay soomaalidu ugu diiday Magan galyada.

0

Iyadoo horay dowlada finland ay u sheegtay in dadka soomaaliyeed aysan siin doonin wax magan galyo ah ayaa waxaa dowlada finland ay sheegtay in ay ka laabatay goaankaasi.

Waaxda socdaalka dalka finland ayaa maanta sheegtay in dadka soomaaliyeed ee imaanaya finland la yareen doono oo la xadidi doono balse  ay joojisay go’aankii ahaa in aysan siin-doonin dhalashada muwaadin nimo  iyo daganaashaha dalkaasi.

Daba yaaqadii bishii hore ayey aheed markii ay dowlada finland ku dhawaaqday in ay goaan kasoo saartay soomaalida imaaneysa dalka finland.

Waaxda socdaalka finland waxa ay xustay in magaalada muqdisho ee koofurta soomaaliya  iyo gobolada dhexe aysan ka jirin dhibaatooyin  xoogan oo laga soo cararo.

Soomaali  lagu qiyaasay tira ahaan 1,900 ayaa kusugan dalkaasi finland waxaana badankood ay dagan yihiin caasimada dalkaasi ee helesinki.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here