Xarakada Al-shabab oo Xir-xirtay dagaal yahano kenyaan ah Al-shababna ka Tirsanaa

0

In kabadan 100 dhalinyaro oo ka Tirsanaa Al-shabaab ayaa lagu xir xiray magaalooyinka jilib iyo bu’aale ee Gobolada Jubooyinka

Al-shabab waxaa ay boqolka dagaal yahan ay ku eedeeyeysay in ay basaas u ahaayeen kooxda dowlada islaamiga la baxday ee ka daalanta dalalka Syria iyo ciraaq.

Wargeyska the Star oo daabacay warkaan ayaa tilmaamay in kooxdu ay hadda kala qeyb santay kadib markii garab xoogan oo xarakada Al-shabaab ka mid ah  ay ka go’een  kuna biireen kooxda Daacish.

Dagaal yahanada la xir xiray ayaa laga soo kala qabtay magaalooyinka jilib iyo bu’aale oo labadaba ay ka taliyaan xarakada Al-shabab gaar ahaan garabka taageersan urur weynaha Al-qaacidda.

Waa Tiradii ugu badneed oo ajaanib ah kana tirsanaa Al-shabab oo xabsiga loo taxaabo iyagoo lagu eedeenaayo in ay doonayeen ku biirista Kooxda daacish

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here