Qaramada Midoobe oo Bilowday in ay Kalasaarto Dadka Kenyaatiga ah iyo kuwa Qaxootiga

0

Laanta qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobe ee UNHCR ayaa bilowday hawgal ay ku xaqiijinayso dadka muwaadiniinta Kenyatiga ah ee ku milmay qaxootiga ku nool xerada Dhadhaab.

“Waxa aan ka warqabnaa in dad Kenyan ah ay si been abuur ah isugu diiwaan geliyeen qaxootinimo si ay u helaanan adeegyo bilaash ah iyo cuno ayuu yiri Duke Mwancha oo u hadlay hay’ada qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobe ee  UNHCR.

Waxa uu sheegay in Qaramada Midoobe hadda aysan cadayn Karin khiyaasta dhabta ah ee muwaadiniinta Kenyanka ah ee ku dhexjira 340,000 oo qof oo xeradaas ku jira.

Laakiin mr Mwancha ayaa tilmaamay in hay’ada u jeedkeedu uu yahay in ay ku kala cadayso mudo laba bilood ah tirade dadka Kentayatiga ah ee sida qaldan isu diiwaangeliyay.

Arrintaan ayaa waxaa ay qayb ka tahay heshiis sedex geesood ah oo ay wada gaareen Somalia,Kenya Qaramada Midoobe,kaasi oo ay sidoo kale ku jirtay in la fududeeyo sidii dib loogu celinlahaa 150,000 oo qof dalka Somaliya.

Heshiiskaas ayaa sidoo kale waxaa ku jira in dadka aan Somalida aheyn ee ku nool xeradaas oo gaaraya 16,000  oo intooda badan kasoo jeeda Ethiopia loo rarayo xerada Kakuma.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here