Dawlada Kenya oo Sheegtay in ay Sugayso Ammaanka Basaska Isticmaala Wadooyinka Gobolka Waqooyi

0

Booliska dalka Kenya ayaa sheegay in ay si dhow ula soconayaan ammaanka basaska mara wadooyinka Gobolka waqooyi barri ee dalka Kenya si looga illaaliyo in markale Xarakada Al-shabaab ay weerar ku qaadaan basaska adeegsada Wadooyinkaas.

Gudoomiyaha degmada Mandeera Fredrick Shisia ayaa tilmaamay in Boolisku  ay raacayaan basaska rakaabka ah ee degmada Mandeera, waxa uuna intaas ku daray in hawlgalkaas uu socondoono oo aan la joojin doonin.

Gudoomiyaha ayaa waxa uu sheegay in weerarkii Xarakada Al-Shabaab ay ku qaadeen maalintii jimchii bas marayay Magaalada Mandheera ee ay ku dileen 6 qof uu ahaa mid nasiib daro ah.

Fredrick ayaa tilmaamay in dadka aan degaanka ahayn aad loo hubin doono ka hor inta aysan basaska raacin si loo xaqiijiyo Xaalada ammaanka inta lagu jiro maalmaha ugu dambeeya bisha  Barakeysan ee Rammadan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here