Wararka naga soo gaaraya Gobolka Bakool ee Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa ku waramaya in ciidamada Ethopia ee qeybta ka ah Howlgalka Midowga Afrika ee Amisom in ay isaga baxeen Degmada Buurdhuxulle oo qiyaastii 60KM ujirta magaalada Rabdhuurre.
Ciidamo ka Tirsan kuwa Xarakada Al-shabaab oo aad u Fara badan ayaa la sheegay in ay la wareegeen Gacan ku heynta Deegaanka Buurdhuxulle waxaa jirin dagaal ka dhacay deegaanka oo dhexmaray Ciidamada Ethopia iyo kuwa Al-shabaab.
Ciidamada Ethopia ee ka baxay Degmada Buurdhuxulle ayaa la sheegay in ay gaareen dhanka degmada Waajid ee isla Gobolka Bakool.
Dhawaan ayay aheyd markii Ciidamada Ethopia iyo kuwa Dowlada Soomaliya ay iskaga baxeyn Magaalada Rabdhuurre ee Gobolka Bakool iskastoo ay dib ula wareegeen Maalintii shalay aheyd.

