Afartii July sanadkii 2015-kii ayey aheyd markii la doortay madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyadoona kolkii la dooranayey ay la tar-tamayeen murashixiin xilal kala duwan kasoo kala Qabtay dowladihii dalka soo maray.
Magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Galmudug ayaa lagu doortay afartii july sanadkii 2015-kii iyadoona Magaalada madax looga dhigay Magaalada dhuusa mareeb inkastoo aysan wali tagin magaaladaasi maadaama uu maamulka Ahlu sunna gacanta ku hayo magaaaladaasi.
Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed ayaa shaaciyey in uu wax qabad wanaagsan la imaanayo mudo Kooban oo kamid ah waqtiga la doortay sida uu sheegay.
Siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolada uu maamulka Galmudug ka arimiyo ayaa sheegaya in maamulka uu majaraha u hayo madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed uusan ku guuleysan siyaasadda
Siyaasiga Cali Maxamuud Faarax oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa ku dhaliilay madaxweyne Guuleed In uusan la imaan waayay waxqabadkii uu balan qaaday markii la dooranayay.
Khudbadii Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed
Siyaasi Cali Seeko madasha badbaadinta Galmudug

