Madaxweynaha Puntland: Ma Aqbali Doono in La Dilo Indhaha Shacabka Magaalada Gaalkacyo

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in maamulkiisa uusan marnaba aqbali doonin in dilo dadka indhaha u ah shacabka Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa yiri isagoo shacabka la hadlayay.” Labo midbaa inoo bannaan, inaan sidii Goronyadii madaxa ciida gashano ama inaan isdifaacno, wax u dhexeeya ma jiraan. “Reer Gaalkacyood waxay u hubaysan yihiin qabiil qabiil, jufi jufi sidee  u dhici kartaa in wiil yar oo madax jabis ah uu maalin kasta laayo hal-doorkiinii, halka inta kalena ay noqdaan kuwo carara iyo qaar aan hadli karin,” ayuu yiri madaxweyne Gaas.

Shacabka Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayuu ugu baaqay in ay u midoobaan kuwa mar walba dila dadka indhaha u ah Shacabka Magaaladaas.

Shalay ilaa Maanta waxaa Magaalada ka socday Kulamo loogu hadlaayay amaanka kadib markii Magaaladaas ay ka dhaceyn dilal loo geystay Mas’uuliyiin ka Tirsan Puntland.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here