Xarunta Villa Hargeysa ee magaalada muuqdisho waxaa maanta lagu dhaariyay Wasiirka caafiimadka iyo wasiiro dowlaha Dekahadaha iyo Gaadiidka badda oo dhawaan uu magacaabay Raisulwasaaraha Xukuumada soomaliya Cumar C/rashiid Cali sharmarke.
Munaasabada dhaarinta waxaa goob-joog ka ahaa Gudoomiyaha baarlamaanka soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaaji iyo qaar ka mid ah Golaha Baarlamaanka Soomaliya.
Wasiirada la dhaariyay ayaa magacyadoo kala yihiin Wasiirka Wasaarada Caafimadka Mudane Maxamed Xaaji C/nuur(Madeer) Wasiiru dowlaha Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Xildhibaan Luul Cabdi Aadan oo dhawaan uu magacaabay Raisulwasaaraha Sharmarke.
Ugu horeyntii Gudoomiyaha baarlamaanka soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaaji ayaa wasiirada la dhaariyay kula dardaarmay in ay la yimaaday waxqabad wanaagsan iyo in ay si daacad ah u gutaan xilka loo magacaabay.








