Sheekh Maxamed Abuu Cabdala oo horey u ahaa Gudoomiyihii al-shabaab ee Gobolka Shabeelaha Hoose Balse laga qaaday dhawaan ayaa haatan loo magacaabay Wakiilka Shabaab u qaabilsan Gobolada Jubbooyinka.
Al Shabaab gacanta kuma wada hayaan Gobolada Jubbooyinka oo kaliya waxa ay si buuxda gacanta ugu hayaan Gobolada Jubbada Dhexe, halka Jubbada hoose deegaano ka mid ah ay ku sugan yihiin.
Bayaan kasoo baxay al-shabaab ayaa lagu sheegay in Gudoomiyihii Hore ee al-shabaab ee Gobolka Shabeelaha Hoose Sheekh Maxamed Abuu Cabdala loo magacaabay Wakiilka Shabaab u qaabilsan Gobolada Jubbooyinka.
Sheekh Maxamed Abuu Cabdala ayaa muddo badan ahaa Gudoomiyihii al-shabaab ee Gobolka Shabeelaha Hoose balse xilka ayaa laga qaaday kadib markii dacwad ay ka gudbisay mid kamid ah beelaha Gobolka Shabeelaha Hoose.

