Ciidamada Ethopia iyo kuwa Dowlada Soomaliya ayaa Galinkii dambe ee Maanta isaga baxay deegaanka Rabdhuurre Gobolka Bakool ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Galinkii dambe ee Maanta waxaa la wareegay deegaanka Ciidamo ka Tirsan kuwa Xarakada Al-shabaab waxaa jirin dagaal ka dhacay deegaanka sida ay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho u sheegeen dad ku sugan deegaanka Rabdhuurre ee Gobolka Bakool.
Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Dowlada Soomaliya iyo Kan koonfur Galbeed Soomaliya aynu la xariirnay ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan ka bixitaanka Ciidamada Ethopia iyo kuwa Dowlada soomaliya deegaanka Rabdhuurre ee Gobolka Bakool.
Baraha Al-shabaab waxaa lagu baahiyay in Ciidamada Ethopia in ay isaga baxeyn deegaanka Kadib markii ay heli waayeen wax saanad Malatari ah waaa sida lagu baahiyay Baraha Al-shabaab Afkooda ku hadla.

