Maamulka Galmudug oo Sheegay inuusan Xilligan Awood U Lahyn Soo Afjaridda Dagaallo Beeleedyada+Dhageyso

0

Maamulka Galmudug ayaa sheegay inuusan Xilligan Maamulku Awood u laheyn soo afjaridda dagaallo beeleedyada kusoo lab-laabtay deeganada Maamulka Galmudug ee u dhaxeeya beelaha wadaga Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Wasiirka Dib u heshiisiinta iyo Dastuurka Maamulka Galmudug Cusmaan Maxamed Cali (Dheere) oo la hadlay idaacada simba ee Magalada Muqdisho ayaa sheegay in maamulka Galmudug uusan xiligaan awood u laheyn xalinta dagaal beeleedyada kusoo laabtay deeganada Maamulka Galmudug.

Cusmaan Maxamed Cali(Dheere) ayaa ugu baaqay dadka ku nool deeganada Maamulka Galmudug in ay ka shaqeyaan Nabada iyo daganaanshaha intii ay ka shaqeyn lahaayeen daagalada.

Hadalka Wasiirka Dib u heshiisiinta iyo Dastuurka Maamulka Galmudug Cusmaan Maxamed Cali (Dheere) ayaa kusoo beegamaya xili dhawaan  deeganada Baxdo iyo kheydaro ay ka dhaceen dagaalo u dhaxeeya Maleeshiyo Beeleedyo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here