War kasoo baxay Dowlada Mareykanka ayaa loogu digay Muwaadiniinta dalkaas in aysan u safrin dalka Kenya iyo magaalooyinka waa weyn ee loo dalxiis Tago sida Mombasa iyo magaalada loo tamashlaha tago ee Lamu.
Waaxda Arrimaha Dibada Dowlada Mareykanka war kasoo baxay ayaa lagu sheegay in laga casbi qabo weeraro Al-shabaab ay ka geystaan Magaalooyinka loo Dalxiis Tago sida Mombasa, Xaafada ay Soomalida u badan tahay ee Isli iyo magaalada loo tamashlaha tago ee Lamu.
Magaalooyinka Mandera, El Wak, Wajir iyo Garissa ayaa amaankooda si weyn loo adkeeyay waxaa jiro ciidamada badan oo halkaas la geeyay si ay ugu qeyb qaataan sugida amniga cabsi laga qabo weeraro kaga yimaada dhanka Xarakada al-shabaab.
Dowladda Maraykanka ayaa sidoo kale muwaadiniinteeda u dalxiis takta dalka Kenya ugu digtay magaaooyinka Gobolka Tana Rifa iyo qaybta Waqooyi ee degmada Malindi oo dhammaantood ah dhul xeebeedka Kenya.

