Ciidamo Boolis ah oo kamid Noqonaya Kuwa Galmudug oo Tababar Cadaado Loogu Furey+sawirro

0

Magaalada Cadaado ee Caasimada Galmudug waxaa maanta Tababar loogu furey Ciidaan cusub oo  ka mid noqonaya Ciidamada Booliska Galmudug, waxaana tirada maanta tababarka loo furay ay yihiin 400 oo Askari.

Askartaan ayaa laga soo kala aruuriyay dhamaan deeganada Maamulka Galmudug, waxaana munaasabadii maanta tababarka loogu furaayay goobjoog ahaa Madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo qaar ka tirsan Wasiirada Galmudug.

Ciidankaan cusub ayaa 60 ka mid ah waxa ay yihiin Haween halka inta kalena ay yihiin Rag, kuwaasi oo doortay inay ka mid noqdaan Booliska Galmudug.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in Maamulka Galmudug uu mar walba diyaar u yahay tayeynta Ciidamada dowlad Goboleedka Galmudug.

146728528674d73

1467285297d6e22 1467285297ca8e4 1467285290f5709 1467285283d9398

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here