Wararka Haatan ka Imaanaya Magaalada Garoowe ee caasimada Maamulka Puntland ayaa sheegaya in Gudoomiyaha barlamaanka Maamulka Puntland Siciid Xasan Shirre uu is casilay
Gudoomiyaha oo goor dhowayd shir jiraa’id ku qabtay Xarunta Baarlamanka Maamulka Puntland ayaa sheegay inuu isaga tagay xilkii gudooomiyaha iyo xubintiisa xildhibaanimo Wuxuuna sheegay in lagasoo gudbiyay mooshin sharci darro ah oo aan isaga loosoo marin waa siduu Hadalka u dhigay Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka Puntland
Wararka qaar oo soo baxaya ayaa sheegaya in Golaha wakiilada Maamulka Puntland ay ku qanci wayeen Jawaabihii uu madaxwaynaha Maamulka Puntland Gaas ka bixiyay su’aalihii la waydiyay Todobaadkaan sidaasna ay keentay in mooshin ay ka Gudbiyaan Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka Puntland Siciid Xasan Shirre

