Xarakada Al-shabaab ayaa deegaanka Mubaarak oo ka tirsan Gobolka Shabellaha hoose, waxa ay kusoo bandhigtay Diyaarad Drone ah oo todobaadkaan Gudihiisa kusoo dhacday Deegaanka Balidul Amiin oo ka tirsan isla Shabellaha hoose.
Deegaanka lagu soo bandhigay Diyaaradaan Drone-ka ee Mubaarak oo ka tirsan Gobolka Shabeeaha Hoose waxaa ku sugnaa Mas’uuliyiin ka Tirsan Xarakada Al-shabaab iyo dad shacab ee deegaanka ku nool.
Shabaabka waxa ay sheegeen Diyaaradan inay ku xirnaayeen Kaamirooyinka wax basaasa, islamarkaana xilligii ay soo dhaceysay ay ku howlaneyd basaasida deeganada Shabaabka ay joogaan.
Ilaa hadda ma jiro dowlad si rasmi ah u sheegatay Mas’uuliyada diyaarada Drone ee kusoo dhacday dhawaan Deegaanka Balidul Amiin oo ka tirsan isla Shabellaha hoose ayna A-shabaab gacanta ku dhigeen.










