Al-shabaab oo La Sheegay in ay Qorshaynayaan Weeraro Lagu Qaado Ciidamada Mareykanka ee ku Sugan Soomaliya

0

War kasoo  baxay dowlada Mareykanka ayaa lagu sheegay In Xarakada al-shabaab ay qorsheenayso in ay weeraro ku qaado saldhigyada ay ku sugan yihiin Ciidamada Mareykanka  ee jooga  soomaliya kadib markii ay sii kordheen duqeymaha lala beegso Hogaamiyaasha Al-shabaab.

Taliska Mareykanka ee afrika oo warkaan baahiyay ayaa tilmaamay in ay jiraan qorshayaal weeraro ah ay fulin rabaan Ciidamada Al-shabaab kuwaasi oo lagu qaadayo Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Gudaha Soomaliya.

“bishii June 2006-dii Diyaaradaha Mareykanka waxa ay duqeymo ka fuliyeen Koonfur Soomaliya kuwaasi oo lagu dilay hogaamiyaal ka Tirsan al-shabaab. Ayuu lagu yiri”,  warka kasoo baxay Howlgalkooda Africom.

Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay In 50 askari oo dalkeeda ka socda in ay ku sugan yihiin qaarada afrika kuwaasi oo ka qeyb qaata dagaalka lagula jiro Xarakada al-shabaab.

Mudooyinkii ugu dambeeyay Diyaaradaha Dowlada Mareykanka ayaa weeraro dhanka Cirka ah ka fulinayay saldhigyo ay ku sugnaayeen al-shabaab waxaa duqeymahaas  lagu dilay Hogaamiyaaal sar sare.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here