Faah-Faahin ku Saabsan Qaraxa Miino ee ka Dhacay Deegaanka Lafoole ee Duleedka Muqdisho+Sawirro

0

Inta la xaqiijiyay 15-ruux  oo dad shacab ahaa ayaa ku dhintay qarax miino oo saakay deegaanka Lafoole ku haleelay gaari BL ahaa, oo ka amba baxay Magaalada Muqdisho, kuna wajahnaa Degmada Afgooye.

Gaari noociisa ahaa Caasi ayaa la sheegay in uu haleelay qaraxa miino oo ku aasnaa Wadada Hareeraheeda dadka dhintay iyo ku dhaawacmay ayaa ahaa dadkii shacabka ahaa ee saarnaa Gaariga.

Dadka dhaawacyada helista uu soo gaaray ayaa loosoo qaaday Isbitaalada Magaalada Muqdisho si loogu dabiibo.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dadka dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay  ay u badnaayeen Ganacsadata Qudaarta.

mini_1 mini_2 mini_3 mini_4 mini_5

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here