Madaxweynaha Maamulka Gamudug C/kariin Xuseen guuleed oo dhawaan Gaaray Gobolka mudug ayaa kulamo dhinacyo badan loogu Hadlay waxa uu la qaatay Odayaasha iyo Waxgaradka Gobalka Mudug ku sugan
Mudane C/kariin xuseen Guuleed ayaa odoyaasha iyo Waxgaradka Gobalka Mudug u sheegay in Maamulkiisa Galmudug uusan aqbali doonin in isbaarooyin sharci daro ah lagu arko qeybo kamid ah Gobolka Mudug qeybta Galmudug
Odyaashiisa iyo waxgaradkii Kulanka Ka Hadlay ayaa sheegay in Maamulka Galmudug ay gacan siin doonaan xaqiijinta amaanka deegnada uu ka arimiyo Maamulka Galmudug iyo Hormar uu Gaaro Gobolka mudug
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb Galay Madax Horey usoo Martay maamulka Galmudug sida madaxweynihii Hore ee Maamulka Galmudug Cabdi xasan cawaale qeybdiid oo dhankiisa sheegay in ay Taageersan Yihiin Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin xuseen Guuleed

