Warka kasoo baxay maanta oo isniin ah dowlada Korea Woqooyi ayaa waxaa ay uga digtay Muwaadiniinteeda in ay u safraan dalka Kenya halkaas oo ay sheegtay in ay kasoo kordhayso qatarta weeraro iyo dambiyo kale.
Warbixintaan oo lagu daabacay Wargeyska the korea Herald oo soo xiganaya war saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda arrimaha Dibadda ee dalkaas ayaa sheegay in meelaha sida gaarka ah looga digayo muwaadiniinta ay kamid tahay deegaanada ku yaala xuduuda dalka Kenya uu laleeyahay Somaliya.
Digniintaan ayaa la tilmaamay inay tahay tii ugu saraysay dadkana lagu la talinayao in ay u socdaalin dalka Kenya ku joogana ay ka baxaan.
Meelaha ugu horeeya ee dawlada Korea ay uga digayso waxaa ku jira magaalada Nairobi,degmada Gaarisa iyo deegaano kale oo kuyaala Gobolka Woqooyi barri halkaas oo ay sheegtay in ay ku noolyihiin dad Somali ah ayna ka dhicikaraan weeraro ay geystaan Xarakada al-shabaab
Ugu dambayntii Dowlada Korea-da Woqooyi ayaa muwaadiniinteeda ugu baaqday in ay ka digtoonaadaan qatarkasta marka ay u safrayaan wadanka Kenya.

