Wararka naga soo gaaraya Degmada Waabari ayaa ku waramaya in Is-gooska Xaaji baasto ee wadada Maka almukarama, lagu arkay bac laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.
Ciidamada booliska qeebtooda baara Walxaha qarxa ayaa goobta gaaray. waxayna ku guuleesteen in ay fur-furaan Qaraxa ku jirey Bacda sida Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA u sheegay Taliye xigeenka Saldhigga waaberi Labo Xidigle C/laahi Axmed Xalane.
“Bacda waxaa lagu arkay Is-gooska Xaaji baasto ee wadada Maka almukarama shacabkii halkaas ka ak dhawaa ayaa ciidamada Booliska Dowlada soomaliya kusoo wargaliyay kadibna waa la furfuray ayuu”. yiri Taliye xigeenka Saldhigga waaberi Labo Xidigle C/laahi Axmed Xalane.
Maalmihii dambe waxaa Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya ka dhacayay qaraxyo lala beegsanayy Goobaha ay shacabka isugu yimaadaan waxaa ugu dambeeyay qarixii todobaadkaan Gudihiisa ka dhacay Hoteelka Naasa Hablood 1 ee Magaalada Muqdisho kaasi oo ay ku dhinteen 26-qof oo madax dowlada soomaliya ka Tirsan ay ku jirto.

