Wararka ka imaanaya Gobolka Jubada Hoose ayaa ku waramaya in Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Jubba-land iyo Ciidamo ka amar qaata korneel Barre Aadan shirre Barre Hiiraale in uu ka socdo Deegaanka Qaam–qaam.
Dagaalka ayaa la isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa waxaa daryahanka hubka culus laga maqlayaa Deegaanka Qaam–qaam lamana ogo qasaaraha soo kala Gaaray Labada dhinac ee jubba-land iyo Ciidamada Barre Hiiraale.
Dhanka kale Mas’uuliyiin ka Tirsan kuwa Maamulka Juba-land aynu la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan dagaalka haatan ka socdo Deegaanka Qaam–qaam ee Gobolka Jubada hoose.
Wixii kusoo kordha kala Soco Simbanews.com

