Stephen M. Schwartz :-“Waxaa la gaaray Xiligii La Dhisi Lahaa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaliyeed”

0

Stephen M. Schwartz ayaa loo dhaariyay in uu noqdo safiirka Cusub ee dowlada  Mareykanka ee soomaliya u fadhin doono kadib markii xaflad lagu qabtay Magaalada Washington ee dalkaas.

Golaha Senate-ka,  ee dalka Mareykanka ayaa bishii May ee sanadkaan  ansaxiyay in Danjirahan uu noqdo Safiirka Mareykanka u fadhin doona Somaliya, ka dib markii uu soo magacaabay Madaxweyne Barack Obama.

Antony Blinken Ku Xigeenka Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, ayaa dhaariyay Amb. Stephen M. Schwartz, denjiraha cusub ee Mareykanka ee soomaliya u fadhin doono.

Kadib dhaarinta Stephen M. Schwartz oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dowlada soomaliya ay ku tilaabsatay hormar la taaban karo islamarkaana ay dowlada Mareykanka ay Soomaliya ka caawin doonto dhinacyada Amaanka, in dib u dhis lagu sameeyo Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed.

“Waxaa la gaaray xiligii la dhisi lahaa Ciidamada Xoogga dalka soomaliyeed si ay meesha ugu saaraan al-shabaab oo ku sugan qaar kamid ah Magalooyinka Gobolada dalka soomaliya ayuu yiri” Stephen M. Schwartz safiirka cusub ee Mareykanka u fadhin doono Soomaliya.

1467089839ae0da 14670898417a481 146708983614f56 146708983715e8d

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here