Warbixin ay soo saartay Kooxda ICG ee ka falanqoota Arimaha la xariira Xasaradaha Adduunka ayey kaga hadashay xaaladda Soomaaliya iyo dagaalada Al-shabaab ay ka wadaan Soomaaliya.
Kooxdu waxa ay sheegtay in xilligaan ay hoos u dhacday awoodda Xarakada Al-shabaab sida ay tilmaamtay kadib Markii Dowladda Soomaaliya iyo Saaxiibadooda ay qaadeen tallaabooyin la xariira weerarro iyo duqeymo lagu bartilmaameedsanayo xarumo iyo saldhigyo ay leeyihiin Al-shabaab halkaasina looga dilay hogaamiyayaal muhiim ahaa oo iyagoo la sheegay in soo abaabulijireen Weerarada Xarakdu ku qaadijireen Magaalooyinka dalka ee ay ka taliso dowladda Soomaaliya.
Kooxda ICG ayaa sheegtay in sidoo kale hoos u dhaca la xariira awooddii Al-shabaab ayey sidoo kale ay qayb ka tahay kadib Markii ay xarakadu u kala jabtay 2-qayb oo qayb ka mid ah ay ku dhawaaqday in ay ku biirtay Kooxda Daacish iyo waliba Dagaal ay kala kulantay Maleeshiyo beeleedyo Soomaali ah oo is abaabulay kuwaasi oo ICG ay sheegtay in dagaallo dhinacyo badan ah ay kala kulantay Xarakada Shabaab.
Kooxdan ka falanqoota Arimaha Xasaradaha Adduunka ayaa sheegtay sidoo in wali aan la dafirikarin awoodda iyo cududda milatari ee Al-shabaab oo wali aan la dhihikarin waa ay u wiiqantay sidii la rabay,walina ay jirto cabsi ku aaddan weerarro hor leh oo ay geysankaraan.
Xarakada Al-shabaab ayaa weerarro qasaaro badan dhaliyey ku qaaday xarumo dowladeed oo muhiim ah iyo Hotello ay daganaayeen Masuuliyiin Dowladda Soomaaliya ka tirsan.

