Raisulwasaare ku xigeenka dowlada soomaliya Maxamed cumar Carte Qaalib oo Maalintii Labaad ku sugan Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa maanta la kulmay Hay’adaha samafalka gobolkaasi ka howlgala isagoona kala Hadlay arimaha abaaraha iyo Fatahaadyada laga cabsi qabo in ay ku dhuftaan qeybo kamid ah Gobolada dalka soomaliya.
Mudane Maxamed Cumar Carte Raisulwasaare ku-xigeenka dowlada soomaliya ayaa Hay’ada samafalka kala Hadlay sidii ay kaga qeyb qaadan lahaayeen hadii Wabiga shabeelle uu fataahaad ka geysto qeybo kamid ah Gobolka Hiiraan .
Dhanka kale Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka ayaa sidoo kale booqday mid ka mid ah Ugaasyada ugu caansan gobolka Hiiraan oo uu tilmaamay in xukuumadda ay xoogga saareyso dhageysiga iyo qaadashada talooyinka odoyaasha dhaqanka soomaliyeed.

