Ciidamada Al-shabaab oo La Wareegay Deegaanka Goof-guduud ee Magaalada Baydhabo

0

Wararka haatan naga soo gaaraya Gobolka Baay ayaa ku waramaya in Ciidamo ka Tirsan kuwa Al-shabaab in ay la wareegeen Deegaanka Goof-guduud Manaas Ee Duleedka Magaaladaas.

Deegaanka ayaa la sheegay in ay faarujiyeen Ciidamada Ethopia iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya oo mudooyinkii dambe ku sugnaa deegaanka Goof-guduud ee Duleedka Magaalada Baydhabo.

Warar lagu baahiyay baraha  Al-shabaab ayaa lagu sheegay in Al-shabaab ay si nabad galyo ah ula wareegeen deegaanka islamarkaana ay goor hore ay ka baxeyn Ciidamada Ethopia ee qeybta ka ah Howlgalka amisom iyo Ciidamada Koonfur Galbeed soomaliya.

Wixii kusoo kordha kala soco simbanews.com

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here