Wadamada Ingiriiska iyo  Faransiiska oo Muwaadiniintooda ugu Digay in ay u Safraan Wadanka Kenya

0

Wadamada Uk iyo France ayaa si wadajir ah digniin ugu jeediyay muwaadiniintooda u socdaala gudaha wadanka Kenya waxa ayna labada dalka ay sheegeen in muwaadiniintooda ay ka mamnuuceen in ay booqdaan wadanka Kenya gaar ahaan Gobolka Waqooyi Bari.

Kulan ay wadanka Kenya kuwada qaateen Safiirada Ingiriiska iyo Faransiiska ayay ku sheegeen in Muwadiiniintooda laga mamnuucay tagida qeybo ka mid ah Dalkaasi maadaama halkaasi ay ka dhacaan Weeraro ay geystaan Xarakada Al Shabaab.

Wakiilka sare ee Dalka Britain u qaabilsan arimaha wadanka Kenya, Nic Hailey ayaa ugu digay Muwaadintooda in ay u safraan Degaanada ku dhow Xadka kala qeybiya Dalalka Kenya iyo Soomaaliya.

Digniintan ka soo yeertay Dowladdaha Britain iyo France  ayaa timid kadib markii dhawaan qiimeyn lagu sameeyay Xaalada amaan ee Dalka Kenya, sida ay sheegeen Mas’uuliyiinta u hadlay labadaasi Dowladood.

Al Shabaab ayaa mudooyinki la soo dhaafay xoojiyay weerarada ay ka geysanayaan gudaha wadanka Kenya gaar ahan Gobolka waqooyi bari ee Kenya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here